Puntland: Faarax Qoryood ayaa bedeley walaalkiis Mukhtaar Qoryood oo dagaalka ku geeriyoodey.

16 February, 2025

Taliska guud ee ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa gaashaanle Sare Faarax Axmed Faarax (Qoryood) u magacaabay…

Taliska guud ee ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa gaashaanle Sare Faarax Axmed Faarax (Qoryood) u magacaabay taliyaha guutada Dhiirane ee qaybta ka ah hawlgalka la dagaalanka argagixisada ee ka socda buuraleeyda Cal-miskaad.

Faarax ayaa bedeli doona walaalkiis Gaashaanle Sare Mukhtaar Axmed Faarax (Qoryood) oo ku geeriyoodey dagaalkii ay ciidamada Puntland ku qabsadeen inta u dhexaysa deegaamada Turmasaale iyo Qurac oo ku teedsan togga Jacayl.

Taliyaha cusub oo maanta gaarey furimaha dagaalka ee buuraleeyda Cal-miskaad ayaa uga mahadceliyey madaxda sare ee Puntland inay u garteen hoggaaminta ciidamadaan oo shaqo weyn u haya umadda Soomaaliyeed, wuxuuna balan qaaday inuu gudan doono waajibaadkiisa.

“Anagoo ah ciidamada dowladda Puntland oo ku sugan buuraleeyda waxaan rajaynaynaa hawlgalkaas waajibaadkeena inaan ka gudano, dalkana waa sifayn doonaa, waxaana anigoo aan kala qaadayn u tacsiyeynayaa dhalinyaradii dagaalka nooga dhintay, Gaashaanle Sare Mukhtaar Axmed Faarax loo ooyimaayo ee waa loo aarayaa, waxaa garbahayga taagan waa ciidankiisii”. Ayuu yiri taliye Qoryood.