Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Puntland ayaa Magaalada Garoowe kulan afuro…

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Puntland ayaa Magaalada Garoowe kulan afuro ah ugu sameeyey xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ku matalayey Puntland, kana soo horjeedey waxka-beddelkii dastuurka.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, xildhibaano katirsan labada aqal, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Ugaas Cabdifataax Ugaas Yaasin, Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal.
Isimada dhaqanka iyo xildhibaanada labada aqal ayaa iska xog waraystay xaaladda guud ee deegaanka, arrimaha siyaasadda iyo waxka-beddelka dowladda federalka ah ee Somalia ku samaysay dastuurkii kumeel gaarka ahaa ee dalka.






