Puntland iyo Danjire Charles King oo ka wada hadlay xaaladda Somalia.

21 September, 2025

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Boosaaso ku qaabilaya wafti uu hoggaaminayo safiirka boqortooyada Ingiriiska…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Boosaaso ku qaabilaya wafti uu hoggaaminayo safiirka boqortooyada Ingiriiska ee Somalia Danjire Charles King.

Safiirka Ingiriiska oo ay weheliyaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Safaaradda UK ee Muqdisho ayaa maalmaha soo socda booqan doona xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso oo muddooyinkii dambe saldhig u ahayd Madaxweyne Deni.

Danjire Charles King iyo Madaxweyne Deni ayaa la qorshaynayaa inay ka wada hadlaan Xaaladda Siyaasadeed iyo tan Amni ee Soomaaliya gaar ahaanna Arrimaha doorashada 2026 iyo La-dagaallanka Argagixisada IS iyo As, sida laga soo xigtey saraakiil ka agdhaw labada dhinac.

Maalinimadii shalay ayey ahayd markii uu Madaxweynaha Puntland Boosaaso ku qaabilay waftigii ugu ballaarnaa ee Maraykanka ka socda iyagoo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo dagaalka ka socda buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.