Puntland iyo DFS oo midba midka kale ku eedeeyey dagaalka Dhahar.

16 July, 2025

Inta la xaqiijiyey 5 ruux ayaa ku geeriyootey tiro ka badana dhaawacyo kala duwan ayaa ka…

Inta la xaqiijiyey 5 ruux ayaa ku geeriyootey tiro ka badana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaarey dagaal gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan.

Dagaalkaan ayaa u dhexeeyey ciidamada Daraawiishta Puntland iyo kuwa ka amar qaata xubno xilal ka haya dowladda Federalka ah ee Soomaaliya oo doonaya in gobolkaasi laga jaro guud ahaan Puntland.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in DFS ay colaad horleh ka abuurayso deegaamada Puntland, taasi oo lagu wiiqayo dagaalka ka dhanka ah Daacish iyo Alshabaab.

“Dowladda Federaalka oo ku fashilantay howlihii loo igmaday, waxay qori-dable ah kula dhex wareegaysaa gobollada nabadda ah ee Puntland, waana lagula xisaabtamayaa.” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Wadaaradda Arrimaha-gudaha.

Dhanka kalena, qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha DFS ayaa loogu baaqay Madaxweynaha Puntland inuu ciidanka dowladda ka saaro Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan.