Puntland iyo DFS oo war-saxaafadeedyo hawada isu mariyey.

24 February, 2026

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa habeenimadii xalay soo saartay bayaan ay ku cambaaraynayso degmooyin katirsan goboladeeda…

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa habeenimadii xalay soo saartay bayaan ay ku cambaaraynayso degmooyin katirsan goboladeeda oo ay guddiga doorashooyinka heer federal sheegeen inay ka qabanayaan dorashada golayaasha deegaanka.

Bayayaanka Wasaaradda ayaa lagu qaadacay doorashooyin ay dowladda federalka ah ee Somalia ka qabato degmooyinka gobolada Sool iyo Sanaag oo lagu daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Dhanka kalena, Guddiga doorashada DFS ayaa raali galin ka bixiyay in degmada Galdogob laga qabanayo doorashada qof iyo cod ah,kadib markii Puntland ay sheegtay in deegaanadeeda laga qaban karin wax doorasho ah

”Guddigu waxa uu shacabka Soomaaliyeed ku wargelinayaa in jadwalkii hore loo shaaciyey uu ku jiray qalad farsamo oo dhacay intii lagu guda jiray diyaarinta Liistada Degmooyinka. waxaa si khalad ah loogu daray degmada Goldogob oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, taas oo doorashada Golaha Deegaanka horey uga dhacday taariikhdu markay ahayd 25-ka May 2023.”

Screenshot