Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland ayaa maanta xarunta wasaaradda Kalluumaysiga ee magaalada…

Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland ayaa maanta xarunta wasaaradda Kalluumaysiga ee magaalada Boosaaso ku qaabilay Mr. Antonio, oo ah Lataliyaha dhanka Badda ee hay’adda EUCAP Somalia.
Kulankan oo ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga, Sumaya Jaamac, iyo Agaasimaha Tababarrada, Xasan Jaamac Maxamed, ayaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim u ah amniga iyo horumarka badda:
ISPS CODE: Dhaqangelinta habraaca shuruucda caalamiga ah ee badqabka maraakiibta iyo dekedaha.
Wada-shaqayn: Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo EUCAP Somalia.
Ladagaallanka Kalluunka sharcidqradqla ah IUU: iyo Tallaabooyinka laga qaadayo kalluumaysiga sharci-darrada ah ee lagu xaalufiyo khayraadka Badda
Amniga Badda: Kahortagga khataraha amni ee ka jira marin-badeedyada Puntland.
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxay dadaal ugu jirtaa sidii loo hubin lahaa badqabka khayraadka iyo amniga dekedaha, iyadoo la kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah.



