Puntland iyo Galmudug oo iska kaashanaya sugidda amniga Galkacyo.

11 March, 2026

Saraakiil katirsan hoggaanka sare ee ciidanka booliska Puntland iyo Galmudug ayaa habenimadii xalay si wadajir ah…

Saraakiil katirsan hoggaanka sare ee ciidanka booliska Puntland iyo Galmudug ayaa habenimadii xalay si wadajir ah u kormeeray qaar kamid ah xarumaha ganacsiga iyo goobaha lagu caweeyo ee Magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug.

Taliye ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Cismaan Maxamuud Cigge, oo ay weheliyaan Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Taliye ku-xigeenka Qaybta Gobolka Mudug ee Puntland, oo kormeeray xarumaha ganacsiga ayaa bulshada kala hadlay adkaynta nabadgelyada.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd xaqiijinta amniga guud ee magaalada, kormeerka howlaha ay ciidamadu u hayaan bulshada, iyo dardargelinta shaqada ciidanka ee ilaalinta nabadgelyada.

Saraakiisha ayaa sidoo kale ciidamada ku boorriyey inay sii xoojiyaan feejignaanta, isla markaana si hufan ugu adeegaan shacabka, si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida labada dhinac.