Puntland iyo ganacsatada oo heshiis ka gaarey khilaafkii xirnaanshaha dekedda Boosaaso.

Waxaa maanta heshiis laga gaaray shirkii maalmihii la soo dhaafay magaalada Boosaaso uga socday Dowladda Puntland,…

18 July, 2026

Waxaa maanta heshiis laga gaaray shirkii maalmihii la soo dhaafay magaalada Boosaaso uga socday Dowladda Puntland, ganacsatada iyo shirkadda DP World, kaas oo lagu xalliyay khilaafkii ka dhashay khidmadaha cusub ee lagu kordhiyay adeegyada dekedda Boosaaso.

Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Puntland, Maxamed Cabdi Waaberi, ayaa ku dhawaaqay in wada-hadalladii ugu dambeyn lagu gaaray heshiis ay wada oggol yihiin dhammaan dhinacyadii ay khusaysey arrintu.

Mas’uuliyiintii kale ee ka hadlay madasha ayaa sheegay in heshiiska kadib si rasmi ah dib loogu furay dekedda Boosaaso iyo goobihii ganacsiga ee magaalada, kuwaas oo hakad galay tan iyo markii ay bilaabatay muranka la xiriiray tacriifadaha cusub.