Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa habeenimadii xalay goob joog ka…

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa habeenimadii xalay goob joog ka noqday saxeexa heshiiska is-afgarad “MoU” ee dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, Cabdullaahi Yuusuf International Airport.
Heshiiskan ayaa isugu jira dhismaha, ballaadhinta, iyo casriyaynta qeybaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, iyada oo ay iska kaashan doonaan Dawladda Puntland iyo Shirkadda Gaalkacyo Development Group (GDG) oo ah shirkad deegaanka ah.
Mashruucaan muhiimka ah waxaa iskutashi uga qayb qaadan doona bulshada Gobolka Mudug, iyada oo Garoonka loo diyaarinayo si casri ah si uu ula jaanqaado hannaanka garoomada diyaaradaha ee caalamiga ah.
Madaxweyne Ku-Xigeenka ayaa xusay mudnaanta iyo muhiimadda garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, isaga oo ku dheeraaday sida ay Dawladda Puntland iyo dadkeeda oo isku tashanaya uga go’antahay dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo fududaynta isu-socodka dal iyo dibed ee dadweynaha Puntland.






