Puntland iyo ICRC oo ka wada hadlay u gurmashada dadka abaaraha iyo colaaduhu sameeyeen.

18 November, 2025

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi…

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ee Soomaaliya, Mudane Antoine Grand.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iyo ballaarinta barnaamijyada hay’adda ICRC ka wado Puntland, iyadoo mudnaanta la siinayo dadka colaaduhu saameeyeen, gaar ahaan Calmiskaad, waxaana sidoo kale la isla qaatay in gurmad iyo gar-gaar bini’aadannimo la gaarsiiyo dadka ay saamyeen abaaruhu.

Muddadii uu socdey kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa xubno ay kamid yihiin wasiirada Gargaarka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Beeraha, iyo Saraakiil Madaxtooyo.