22 February, 2025
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambassador Michael Nithavrianakis.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah golaha xukuumada, waxaa looga hadlay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo UK ay ku boggaadisay Dowladda Puntland, xoojinta Iskaashiga UK iyo Puntland, Mashaariicda horumarin Uk ka fuliso Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.
