Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay…

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Qunsulka Guud ee Itoobiya u qaabilsan Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore, iyo saraakiil ka tirsan qunsuliyadda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka Puntland iyo Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqaynta labada dhinac, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin qodobbo gaar ah oo lagu heshiiyey ama tallaabooyin cusub oo laga gaaray wada-hadallada.





