Puntland iyo Jubbaland oo cabasho ka dhan ah DFS u gudbiyey Qaramada Midoobey.

26 June, 2025

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku eedeeyey Madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya inay ku takrifaleen…

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku eedeeyey Madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya inay ku takrifaleen awoodihii dowladda gaar ahaan maamulka hawada sare ee dalka Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay labada maamul ayaa lagu sheegay in hoggaanka DFS uu siyaasadeeyey adeeggii hawada dalka isla markaana uu kula dagaalamo cidkasta oo ka aragti duwan siyaasada ahaan.

“Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay caddaynaayn in DFS ay si xun ugu takri fashay awoodaha afarta ah ee uu siinayo dastuurka KMG ee dalka, gaar ahaan maamulka adeegga hawada Soomaaliya iyadoo u isticmaalaysa aalad siyaasadeed oo ay ku waxyeelayso nolosha bulshada kunool dowladaha xubnaha ka ah iyo hadba ciddii ka aragti duwan”, Ayaa lagu yiri bayaanka.

Puntland iyo Jubbaland oo cambaareeyey tallaabooyinkaasi ayaa hay’adaha qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha hawada ugu baaqay in wax laga qabto hoggaanka dowladda,”Hadaba Puntland iyo Jubbaland waxay cambaaraynayaan tallaabooyinkaasi waxayna cabasho u gudbinayaan hayadda qaraamda midoobey u qaabilsan maamulka adeegga hawada ee UN ICAO.”