Maamullada Puntland & Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay dhawaan go’aanno wadajir ah ka soosaraan xaaladda-siyaasadeed…

Maamullada Puntland & Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay dhawaan go’aanno wadajir ah ka soosaraan xaaladda-siyaasadeed ee dalka, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu booqasho ku tegi doono Magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland oo habeenimadii xalay la hadlayey xukuumaddiisa ayaa sheegay inuu jiro walaac amni oo dalka ah kadib bixitaanka ciidamada shisheeye, go’ista deeqaha caalamka oo dhaqaale yari keentey & heshiis la’aanta madaxda Soomaalida.
Mucaaridka Muqdisho ayaa iyagu qaarkood soo dhoweeyey la-hadalka Dowladda Federaalka ah, balse Madaxda Puntland & jubbaland ayaa iyagu ka gows-adaygay sheegeyna in aysan jirin sharciyad ay kula hadlaan Villa-Somalia, kadib gogol uu dhigay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxda sare ee DFS, Nabad & Nolol, Mucaaridka Muqdisho & Siyaasiyiin ay ku jiraan Raysal waasarayaal hore CCC & Gaas ayaa dhammaantood leh kulamo kala duwan oo looga hadlayo xaaladda dalka ee amni & siyaasadeed, iyadoo laga walaacsan kala fogaansho bulsho & siyaasadeed haddii aan heshiis la gaarin kahor 2027.




