Puntland iyo Qaramada Midoobey oo ka arrinsanaya hubka saaran markabka Sea World.

23 July, 2025

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo uu madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni garoonka diyaaradaha…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo uu madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni garoonka diyaaradaha ee Boosaaso kula yeeshay saraakiil ka socda Qaramada Midoobay, wakiilo ka socda beesha caalamka iyo booliska caalamiga ah ee Interpol oo ay ka wada hadleen waxa laga yeelayo kiiska Markabka Sea World iyo hubka saaran.

Xubnihii ugu dambeeyey ee maanta la kulmay Madaxweynaha ayaa ahaa saraakiil u xil saaran kormeerka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, waxayna wararka hordhaca sheegayan in Xubanahi ay hubakn u arkaan mid sharci darro ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Boosaaso maalinimadii shalay ku qaabilay saraakiil ka socotay hay’adda Interpol, waxaana dhexmaray wada-hadallo qaatay waqti dheer oo ku aaddan arrimaha hubka.

Dhanka kalena, waxaa magaalada Boosaaso gaarey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland iyo dhammaan madaxda Garsoorka, xilli ay Puntland isku diyaarinayso go’aan rasmi ah oo ku aaddan hubkaasi.