Puntland iyo Qaramada Midoobey oo ka shiray tayeynta ciidanka Booliska.

26 May, 2025

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga & DDR Mudane Axmed Maxamuud Axmed Qaxiye, oo ay weheliyaan Wasiiru…

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga & DDR Mudane Axmed Maxamuud Axmed Qaxiye, oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga, Mudane Kayse Cabdi Yuusuf, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Maxamuud Xasan ( Cawil Mataan), ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay hirgalinta iyo dardargelinayo wajiga labaad ee mashruuca JPP oo ah Mashruuc ka shaqaynaya Horumarinta Ciidanka Boliiska Puntland.

Kulanka waxaa ka qayb galay Taliye xigeenka kowaad ee Ciidanka booliska Puntland, Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland iyo Taliska Ciidanka Boliiska, waxaana kulanka qeyb ka ahaa wakiillo ka socday hay’adda UNDP iyo ATMIS, oo ugu horeeya Madaxa Mashruuca Horumarinta Boliika JPP, Madaxa UNDP Puntland iyo saraakiil kale oo ka socotay UNDP.

Intii uu socday kulanka waxaa looga hadlay in la bilaabayo wajiga labaad ee mashruuca JPP, waxaana la isla gartay muhiimadda ay leedahay isdhexgalka Bulshada iyo Ciidanka Boliiska iyo ka qaybgalka dumarka ee ciidamada booliska iyo xoojinta wadashaqaynta u dhexeysa UNDP Wasaaradda Amniga Puntland.

Wasaaradda Amnigu waxay ballan qaaday inay si buuxda uga go’an tahay Horumarinta Ciidanka Boliiska Puntland si kor loogu qaado Adeega bulshada loo hayo si hufana oo caddaalad ku dheehan tahay ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.