Puntland iyo RW hore Khayre oo cambaareeyey weriye lagu xiray Muqdisho.

24 February, 2026

Ciidamo katirsan Milatariga Somalia ayaa habeenimadii xalay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ka kaxaystay weriye Cabdixafiid…

Ciidamo katirsan Milatariga Somalia ayaa habeenimadii xalay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ka kaxaystay weriye Cabdixafiid Nuur Bare, oo katirsanaa TV-ga Somalia Cable ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku cambaareeyey xariga weriyeha, wuxuuna sheegay in DFS aysan horjoogsan karin xariyadda bulshada.

“Xarigga Cabdixaafid oo ah wariye ku suntan karti, hufnaan, hawlkarnimo, anshaxa iyo mabaadi’da saxaafadda, waa caburin iyo cabsigelin lagu aamusinayo warbaahinta madaxabannaan, iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda muwaadinka, dastuurka dalka, iyo xeerarka caalamiga ah, Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in si degdeg oo shuruud la’aan loo sii daayo wariye Cabdixaafid, kana joogsado xarigga uu ku caburinayo saxaafadda madaxabannaan oo udubdhexaad u ah dowladnimada, dimuqraadiyadda, wacyigelinta bulshada, iyo gudbinta xaqiiqada”, Ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Dhankiisa Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, ayaa sheegay in caburtinta Warbaahintu calaamad u tahay hab dhaqanka Madax doorasho diid ah.

“Waxaan si adag u cambaaraynayaa xadgudubka iyo afduubka loo geystay wariye Abdixafid Nuur Barre ee ka tirsan Somali Cable TV. Tallaabadani waxay si cad uga hor imanayso xorriyadda saxaafadda, waxayna dhaawac ku tahay mabaa’di’da dowladnimo, ku dhaqanka sharciga, iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.” Ayuu yiri Wasiir Cabdifataax.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Madaxda Soomaaliya rabaan inay xukunka xoog ku joogaan, “Cabudhinta, xarigga sharci-darrada ah, iyo cagajuglaynta warbaahintu ma aha oo kaliya ku xadgudub xuquuq shaqsiyeed, fal lid ku ah hannaanka dimuqraadiyadda iyo kalsoonida dadweynaha balse waa hab dhaqan ay caan ku yihiin madaxda Doorasho diidka ah ee jecel inay xukunka xoog ku joogaan may dhamaato mudo xileedka uu sharcigu u xalaaleeyey.”