Puntland iyo Save The Children oo ka wada hadlay kaalmada carruurta.

27 August, 2025

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Save the Children Soomaaliya Maxamed Cabdiqaadir iyo Madax ka tirsan Xafiiska Hay’adda ee Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqaynta Dowladda iyo Hay’adda Save the Children, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarinta adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada ee Carruurta deegaamada Puntland.

Guud ahaan Somalia waxaa bilihii dambe hoos u dhacay shaqooyinka hay’adaha caalamiga ah iyo taageeradii dhaqaale ee dibadda kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump joojiyey kaalmadii uu siin jirey caalamka.