Puntland iyo shacabkii ku guryo nqoday Tuurmasaale oo kulmay.

5 June, 2025

Wasiirka wasaaradda Amniga Dowladda Puntland Ibraahim Ismaciil Cartan iyo wafdi la socday ayaa kulan looga hadlaayay…

Wasiirka wasaaradda Amniga Dowladda Puntland Ibraahim Ismaciil Cartan iyo wafdi la socday ayaa kulan looga hadlaayay adkeynta Amniga iyo ka shaqaynta ciribtirka argagixisada la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Tuur-masaale ee Degmada Balidhidin.

Masuuliyiinta ayaana bulshada ku wacyi-geliyay in ay garab istaagaan Dowladooda si loosoo afjaro Argagixisada Habowga ee duulaanka ku ah Dhulka nabadgalyada ah ee Puntland islamarkaas ay si dhow bulshadu ula shaqayso Ciidamada ku jira Howgalka Ciribtirka argagixisada Daacish ayna la wadaagaan goobaha ay gabaadka ka dhigtan si loosoo gabagabeeyo argagixisada gabalkoodi dhacay.

Sidoo kale Masuuliyiintan ayaa balan qaaday in deeganada laga saaray Argagixisada ay Dowladdu keenayso Baahiyaha ka jira qaybna laga bilaabay sida Ceelasha biyaha Caafimaad waxbarashada iyo in loo furo wadooyin.

Odayaasha waxgaradka Haweenka iyo dhalinyarada Deegaanka Tuurmasaale ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin difaaca dalkooda islamarkaasna ay Argagixisadu ka gaysatay dhibaatooyin badan ayna diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda ee ku jira howlgalka Ciribtirka argagixisada ee Hilaac.

Wafdiganka ayaana waxaa wasiirka amniga Ku wehelinaayay Wasiir ku-xigeenka Gargaarka Dowladd Puntland Ahmed Siciid Qaloombi Xildhibaan Faarax Jaamac Agaasime ku-xigeenka Hay’adda PMPF Maxamuud Silaal Cumar Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) iyo Gudoomiyaha Degmada Qandala Axmed Khuur iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland.