Puntland iyo Somaliland oo Heshiis wada gaaray

5 October, 2025

Heshiis dhinacyo kala duwan ah ayaa ku dhexmaray maamulada Puntland iyo Somaliland, kaasi oo diiradda lagu…

Heshiis dhinacyo kala duwan ah ayaa ku dhexmaray maamulada Puntland iyo Somaliland, kaasi oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga, nabadda bulshada, ganacsiga, iyo siyaasadda maamulka hawada. Kulanka ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ka qayb galay wasiirro, saraakiil amni iyo wakiillo sare oo labada dhinac ah.

Masuuliyiinta labada maamul ayaa sheegay in kulanku uu ahaa mid taariikhi ah oo lagu muujiyey isfaham iyo wadashaqeyn cusub oo ku saabsan amniga gobolka, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan sugidda amniga xuduudaha, biyaha badda iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Shirka ayaa sidoo kale xoogga saaray nabadeynta bulshada, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la soo afjaro colaaddii Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, si dadka barakacay ugu soo laabtaan guryahooda. Puntland iyo Somaliland ayaa si gaar ah u bogaadiyay dadaallada lagu dhisayo gogosha nabadda iyo wadajirka bulshada gobolka.

Dhinaca ganacsiga, Puntland iyo Somaliland ayaa isla garteen in la xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo isu socodka bulshada, laguna talaabsado dhismaha kaabayaal ganacsi oo isku xira labada dhinac. Sidoo kale, shirka ayaa cambaareeyay siyaasadaha ku xadgudbaya maamulka hawada iyo duulimaadyada rayidka ah ee gobolka.

Ugu dambayn, labada maamul ayaa ku heshiiyay in la joogteeyo kulamada wadatashiga ah iyo wada shaqeynta guud ee danaha labada dhinac. Waxay bogaadiyeen taageerada Beesha Caalamka ee ku aaddan nabadda iyo horumarinta gobolka, iyagoo balan qaaday in iskaashigooda uu horseedi doono nabad waarta iyo koboc dhaqaale oo labada dhinac wada gaaraan.