Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa si rasmi ah u daahfuray Mashruuca Horumarinta…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa si rasmi ah u daahfuray Mashruuca Horumarinta Kalluumaysiga Boosaaso, sidoo kale waxa uu soo xidhay mashruucii tijaabada ahaa ee diiwaangelinta dadweynaha Puntland.
Daahfurka mashruucaan waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Dacco Coppi, Madaxa Hay’adda Iskaashiga Talyaaniga (AICS) ee Soomaaliya, Dr. Valeria Buoninfante iyo maamulada degmooyinka laga hirgelin doono.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa dowladda Talyaaniga ku bogaadiyey kaalinteeda horumarinta Puntland, wuxuuna xusay inay tahay dalka ugu badan ee ka qayb qaatay kaabayaasha horumarineed ee guud ahaan deegaamada Puntland.
“Talyaanigu waa dowladda ugu raadka badan kaabayaasha dhaqaalaha ee yaalla deegaamada Puntland, mashruucaanina waa mid waxweyn ka qaban doona nolosha bulshada”, Madaxweyne Lugatoor.



