Mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa qaabilay wefdi uu hogaaminayey ku xigeenka Madaxa hay’adda UNHCR ee…

Mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa qaabilay wefdi uu hogaaminayey ku xigeenka Madaxa hay’adda UNHCR ee Puntland Mr. Xhemil shahu, iyagoo ka arrinsaday sidii xal loogu heli lahaa qulqulka ajaanibta imanaya Puntland, dib udejinta qoysaska ku barakacay dagaalada Cal-miskaad iyo arrimo kale.
1. Xal u helidda qul qulka Muhaajiriinta ka imaanaya Dalka Ethiopia.
2.Joojin in Puntland ay qabato Qaxooti cusub xaaladda amni ee soo korartay awgeed.
3. Dib u eegista Puntland Declaration of Prima Facie oo awal hore la soo saaray April 2016.
3. Hubinta iyo dib u eegista xaaladda guud ee qaxootiga Puntland ku nool ee haysta diiwaangalinta Rasmiga ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
3. Sidii loo soo afjari lahaa barakacnimada dadka Soomaaliyeed ee mudda dheer ku noolaa xeryaha barakacayaasha gudaha Puntland.
4. Dardargelin barnaamijka xalka waara ee dadka u baahan in xirfad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la taageero.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli ay Puntland muddooyinkii ugu dambeeyey waddey qorshe dalka looga saarayo ajaanibta aan haysan dalku galka sharciga ah iyo dibu dejinta qoysaskii kasoo cararay colaadaha buuraleyda gobolka Bari.