Puntland iyo wafti ka socda dalka Kenya oo heshiis kala saxiixday.

19 October, 2025

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa oo uu weheliyo Wasiir…

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa oo uu weheliyo Wasiir Ku-xigeenka, Hon Mohamoud M. Ali Gabax ayaa maanta heshiis deeq waxbarasho oo heerka labaad ah (Master Degree) la saxiixday Jaamacadda Pwani University ee dalka Kenya.

Dhinaca kale, waxaa heshiiskan u saxiixay Guddoomiyaha Jaamacadda Pwani ee dalka Kenya, Prof. James Kahindi iyo Hormuudka Kuliyadda Culuumta Badda iyo Kalluumaysiga, Prof. Bernerd Fulanda.

Heshiiskan iskaashi ee dhexmaray Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Jaamacadda Pwani ee Kenya ayaa waxaa ka faa’iidaysan doona shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeysiga, si loo horumariyo aqoonta iyo xirfadaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Cabdiraxmaan Habarwaa, Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud, Cismaan Maxamuud Cali, Maamulayaasha Jaamacadaha East Africa iyo CityCot.