Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed ayaa xarynta Wasaaradda kulan…

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed ayaa xarynta Wasaaradda kulan muhiim ah kula yeeshay Wakiilka Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya Mudane Elkhidir Daloum.
Kulanka oo ay ka qayb-galeen Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdisalaan Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa diiradda lagu saaray doorka WFP ee dhiirrigelinta waxbarashada carruurta danyarta ah, gaar ahaan barnaamijyada quudinta iskuulada.
Wasiir Fu’aad ayaa tilmaamay muhiimadda iskaashiga Puntland iyo WFP, gaar ahaan taageerada barnaamijyada quudinta iskuullada oo xoojinaya fursadaha waxbarasho ee ubadka.




