Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa, oo ay wehliyaan Wasiirka…

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa, oo ay wehliyaan Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo maalgashiga, Axmed Shire Siciid, Wasiir Ku-xigeenka Kalluumaysiga, Hon Mohamoud M. Ali Gabax iyo Guddoomiyaha degmada Boosaaso, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda dalka Yemen Xaamid Cabdalla Siciid iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay soo gaaray magaalada Boosaaso.
Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga fursadaha maalgashi, dhaqaale iyo ganacsi ee dowladda Puntland iyo dowladda Yemen.
Wafdiga dowladda Yemen oo isugu jira ganacsato, madax ka socda hay’adda UNDP iyo iskaashatooyinka kalluumaysiga dalkaasi iyo saraakiisha dowladda Puntland ayaa kulanka ku wadaagay xogo kala duwan oo ku saabsan dhismaha dhinacyada maalgashiga iyo ganacsiga
Sidoo kale, waxaa kulanka kasoo qaybgalay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Kalluumaysiga iyo Ganacsiga Puntland, Madaxa Hay’adda UNDP ee Xafiiska Puntland iyo masuuliyiin kale.





