PUNTLAND: Madaxweyne Deni ayaa dhagax-dhigay laamiga isku-xira Bacaadweyn iyo Galkacyo.

3 July, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku tegay Deegaanka Bacaadweyn, ayaa dhagax dhigay…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku tegay Deegaanka Bacaadweyn, ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo, taasi oo lagu dhisayo isku tashi iyo cashuurta shacabka laga qaado oo dalka dib loogu dhisayo.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Goleyaasha Dowladda Puntland, Isimo, waxgaarad, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Injineerada shirkadaha dhisaya wadada.

Dhagaxa dhigga wadada ayaa imaanaya iyada oo muddo dheer muran ka taagnaa mashruuc gaaraya 18 Milyan oo banigaiga Hormarinta ee Afrika ugu deeqay dhisamaha wadadan, taasoo Dowaldda federaalka la soo mariyey.

In badan oo kamid ah waxgaradka Mudug ayaa doonaya in la hirgeliyo mashruuca African Development Bank, waxay u arkaan qorshaha Puntland mid aan u dhigmin dhaqaalaha AdB, sidaas darteed waxay ku dhawaaqeen in ay shir isugu imaanayaan Gaalkacyo.