PUNTLAND: Mas’uul lagu eedeeyey lunsashada raashinkii gurmadka abaaraha.

26 March, 2026

Xubno katirsan xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal oo ay weheliyeen qaar kamid ah…

Xubno katirsan xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal oo ay weheliyeen qaar kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa eedayn u jeediyey duqa degmada iyo xubnaha guddiga gurmadka abaaraha heer degmo.

Xildhibaanada oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka degmada Burtinle ayaa ku eedeeyey duqa degmada iyo guddiga gurmadka abaaraha heer degmo inay musuqmaasuq ku sameeyeen raashin loogu talagalay qoysas abaartu saamaysay.

Xubnahaan oo farriin u diray guddiga gurmadka abaaraha heer Puntland ayaa sheegay in duqa degmada iyo guddiga kaga sugayo inay jawaab ka bixiyaan raashin loogu talagay 175 qoys oo ay kaliya ka qaybiyeen 25 qoys, iyagoo tilmaamay in la waysan yahay 150 qoys raashinkooda.