Nasur Ali Jama oo katirsanaa malayshiyaadka kooxda nabaddiidka ah ee Daacish oo ay dhawaan ciidanka difaaca…

Nasur Ali Jama oo katirsanaa malayshiyaadka kooxda nabaddiidka ah ee Daacish oo ay dhawaan ciidanka difaaca Puntland ka qabteen buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii uu u soo galay Somalia iyo awoodda xilligaan ee Daacish.
Waxa uu sheegay inuu dalka Tanzania uga soo socdaalay Somalia isagoo soo maray dalalka Kenya iyo Itobiya kahor inta uusan soo marin Magaalada Hargeysa oo uu uga soo gudbey buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
“Waxaan kasoo safray Tanzania, waxaan Somalia kasoo galay Magaalada Hargeysa Somaliland anigo markii hore soomaray dalalka Kenya iyo Ethiopia”, Ayuu yiri NASUR ALI JUMA oo katirsanaa kooxda Daacish ayna gacanta ku dhigeen ciidanka difaaca dowladda Puntland.
Ninkaan oo u dhashay dalka Tanzania, ayaa intaasi ku daray in Daacish la jebiyey ayna haraadigoodu wajahayaan gaajo iyo xaalad aad u cakiran oo sababtay inay qashaan dameeraha iyo noolayaasha kale ee deegaankaasi laga helo.
“Awooddayada maanta Waa dhamatay Dharjaale Naga sokaxaysen baalade nakeenteen, gaajo darana jirta dameeraha qalana, ciidamada Puntland waxaay noola mid yihiin yuhuuda”, Ayuu yiri NASUR ALI JUMA oo katirsanaa kooxda Daacish ayna gacanta ku dhigeen ciidanka difaaca dowladda Puntland.



