Puntland maxkamadaynaysa eedaysane ay kala wareegtey booliska Interpol.

6 November, 2025

Puntland ayaa markii ugu horraysay faahfaahin ka bixisay kiiska Jaamac Cabdi Maxamuud, oo ku eedaysan inuu…

Puntland ayaa markii ugu horraysay faahfaahin ka bixisay kiiska Jaamac Cabdi Maxamuud, oo ku eedaysan inuu falal anshax xumo ah ka sameeyey Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Axmed Taaraan, oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in eedaysane Jaamac Cabdi Maxamuud, hadda kujiro gacanta hay’adaha caddaaladda Puntland lana marsiin doono waajibkiisa.

Waxa uu sheegay in eedaysanaha oo shalay Puntland kala wareegtey booliska caalamiga ah ee Interpol, lagu xiray xabsiga dhexe ee gobolka Nugaal lana horgeyn doono Maxkamaddaha qaabilsan si loogu soo oogo eedaha la xiriira kiiskiisa.

“Waxaan u mahadcelinaynaa cidwalba oo ak qayb qaadatay soo qabashada eedaysanaha oo waarankiisa laga jaray maxkamadda degmada Qardho, waxaana lagu qaadi doonaa wixii uu muttaystay”, Ayuu yiri Xeer ilaaliye Axmed Taaraan.