Ciidanka difaaca dowladda Puntland gaar ahaan kuwa kujira hawlgalka Hillaac ayaa maalinkii labaad oo xiriir ah…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland gaar ahaan kuwa kujira hawlgalka Hillaac ayaa maalinkii labaad oo xiriir ah hawlgalo ka wada Deegaanka Wallinsoor, oo ay maalmihii la soo dhaafay ku dhuumaalaysanayeen malayshiyaad katirsan Daacish.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka difaaca dowladda Puntland ee ku sugan Buuraleeyda Cal-miskaad ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dhammaan deegaamadii Barkadaha lahaa ee Kooxahan ku sugnaayeen.
Dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Cal-miskaad ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyoodey AUN Nabadoon Cabdi Hayaan oo horay ugu biiray dagaalka lagu ciribtirayo kooxda nabaddiidka ah ee Daacish.
Hawlgalka Hillaac ayaa oo kujira wajigiisii 4aad ayaa muddooyinkii dambe ka socdey togga Baallade ee duleedka Boosaaso oo laga xoreeyey Malayshiyaad Daacish.



