Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland ayaa shaacisay in muddo 45 maalmood ah la…

Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland ayaa shaacisay in muddo 45 maalmood ah la xiray dhul xeebeedka u dhexeeya deegaannada Ceeldhanaane ilaa Saxon ee degmada Jiriiban, kaas oo dhererkiisu gaarayo 39 kiiloomitir.
Warqad rasmi ah oo ay wasaaraddu soo saartay ku sheegtay in tallaabadan ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka, maamulka degmada Jiriiban iyo bulshada deegaanka, iyadoo ujeeddadu tahay ilaalinta iyo dib-u-soo-nooleynta deegaanka xeebaha.
Bayaanka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in xiritaanka xeebta uu si gaar ah u ilaalinayo dhulka uu saameeyay bacaadka, isla markaana laga hortagayo xaalufinta iyo waxyeellada kale ee deegaanka. Waxay sidoo kale xustay in tallaabadani qayb ka tahay dadaallada lagu ilaalinayo khayraadka dabiiciga ah iyo maaraynta waarta ee dhulka xeebaha.





