Puntland oo 5 qodob hordhigtay DFS iyo SSC KHATUMO.

7 July, 2025

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha diinta xukuumadda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa si adag uga hadlay qaddiyadda SSC…

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha diinta xukuumadda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa si adag uga hadlay qaddiyadda SSC KHATUMO, dhaqdhaqaaqyada DFS iyo xiisadaha ka soo cusboonaaday gobolada Sool iyo Sanaag.

Wasiirka ayaa sheegay in qaddiyadda SSC ay tahay mid muhiim ah laakiin loobaahan yahay in laga dhawro siyaasadayn, isku dhacyo hubaysan iyo kala fogayn bulshooyinka gobolada.

AKHRISO

Waa dhab in Bulshada SSC-khaatumo ku filanyihiin talada iyo difaaca deegaankooda, waxaase muhiim ah in laga taxadaro dabinka shirqool ee Vila Somalia ee ay fulinayaan kooxaha u shaqaynaya Xassan Shiikh ee aragtidoodu ku koobantahey dano siyaasadeed iyo sidey ugu soonoqon lahaayeen kuraastey ku fadhiyaan.

Qaddiyadda SSC-Khaatumo waa arrin masiiri ah ee ma ahan arrin siyaasadeed, waa arrin meel dheer laga keeney, waa xaajo taabaneysa jiritaanka iyo midnimada Somalia iyo tan intii shalay ku midaysna difaaca ee wada leh Puntland iyo SSC-khaatumo.

kooxda maanta joogta Vila Somalia ee Xassan Shiikh hogaamiyaha u yahey marna daacad kama ahan dhismaha iyo xassiloonida maamulka SSC-Khatumo, waxey rabaan in ay kala dilaan, iskuna dilaan dadka SSC-khaatumo dhexdooda, sidoo kalana ay kala dilaan Puntland iyo SSC-khaatumo, waxey rabaan in ay laasacaano ka dhigtaan sal dhig ay uga soo duulaan Puntland. Aragtida Villa Somalia ee ku aadan SSC waa in goboladaas ay noqdaan Magdhow ama Maher siyaasadeed lagu maslaxo Hargeysa hadba kii ay ku qanacdo.

Taariikhda laguma hayo maamul Xassan Shiikh iyo kooxdiisu dhiseen ama bulsho ay heshiisiiyeen oo nabad ah. Xassan Shiikh wuxuu kal xileedkiisii hore afduubey oo siyaasadeeyey dhismaha Maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeele, wuxuu u diidey in dadku yeeshaan ajandaha, talada iyo sidey wax u dhisanayaan, maanta wuxuu ka hortaaganyahey in ay qabsadaan doorashadooda, waana arrinta keentay in madaxda maamuladaas ay noqdaan kuwo Il-mirig leh oo aan si dhab ah u matalikarin dadkooda iyo deegaanadooda, kuna shaqeeya amarada hadba ninkii jooga Villa Somalia, taas oo keentay in la suurad xumeeyo, meeshana laga saaro Hanaankii Federaalka ee ku dhisnaa wadashaqaynta, gorgortan, mattalaad iyo isla xisaabtanka.

Talo bixin ku aadan SSC-Khaatumo:.

1. Villa Somalia iyo guddi Xamar laga soo direy maamul uma dhisayaan, daacadna kama ah dhammaystirka dhismaha maamlka SSC-Khaatumo, sidoo kalana ma rabaa in doorasho ka dhacdo SSC-khaatumo, waxey wadaan waa dhaqanka ka jira maamulada Koonfurta dalka ee Xassan sharciyadda siiyo, ee yeysan taladu maanta gacantiina ka bixin oo aysan u gacan galin meel aan Barri laga soo celinkarin.

2. Go’aankii Odayaasha Dhaqanku ka soo saareen Laasacaano 6 Feb, 2023, kaas oo Dowladda iyo dadka kale ee reer Puntland idin la qaateen wuxuu ku koobnaa deegaan Dhulbahante, Sanaagta Warsangalina kuma jirin, qaybna kama aheyn. In maanta Koox ka timid Xamar ay dhahaan Warsangali ayaan Laasacano ku shirinayna oo Puntland ka jareynaa waa duulaan iyo faragalin ka dhan ah Warsangali iyo Puntland oo dhan ee ka taxadara dakanadaas oo joojiya.

3. In la qabto doorasho xasiloon oo waqtigeeda ku dhacda ayaa muhiim ah ee doorashada qabta, culayskana saara doorashada iyo midnimada bulshada, iyo in aan cid kale idin la yeelan ajandaha doorashada iyo talada deegaanka.

4. In dorashada ka dib la qabto shirkii loo ballansanaa ee SSC-Khaatumo iyo Puntland si wixii ka soo shirkaas loogu badalo sharciyad iyo heshiis Bulso iyo sharci ah oo la isla qaatey.

5. In dadka xasaradaha, qaska iyo kala fogaynta iyo hadalada xanafta leh ka dhex wada bulshada laga hortago dhankay joogaanba.

Guuleysta.