Puntland oo aas-qaran u samaysay col. Mukhtaar Qoryood iyo walaalkiis oo ku geeriyooday Dagaalka Calmiskaad

6 February, 2025

Alle ha u naxariistee Kornayl Mukhtaar Qoryood iyo walaalkiis Cabdifataax Qoryood oo ku geeriyooday dagaalkii shalay argagixisada Daacish ee ka dhacay togga Jeceel ee buuraha Calmiskaad ayaa maanta aas-qaran loogu sameeyey magaalada Ceeldaahir ee gobolka Bari.

Aaska qaranka waxaa kasoo qeyb-galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Punyland, Xildhibaanno, Wasiirro, Saraakiisha Ciidamada kala duwan, Maamulka Gobolka Bari, Maamulka Degmada Carmo, iyo Guddiga Gurmadka, kuwaas oo dhammaantood muujiyey sida ay uga xun yihiin geerida labada geesi ee ku shahiiday dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa uga tacsiyadeeyay waalidiinta, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan shacabka Puntland, isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo.

Dawladda Puntland iyo shacabka ayaa si wadajir ah u garab taagan ciidamada geesiyaasha ah ee naf-hurnimada u muujiyey difaaca dalka.

Horseed Media