Puntland oo amar duldhigtay taliyaha qaybta gobolka Raas-casayr.

20 July, 2025

Dowladda Puntland ayaa amar ku bixisay in la soo gudbiyo macluumaadka hubkii lagalay degey Markabka Sea…

Dowladda Puntland ayaa amar ku bixisay in la soo gudbiyo macluumaadka hubkii lagalay degey Markabka Sea World oo maalmo kahor lagu qabtay degmada Bareeda ee gobolka Raas-casayr.

Qoraal ka soo baxay xafiiska xeer ilaaalinta gobolka Raas-casayr ayaa lagu amray laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka Raas-casayr inay soo gudbiyaan warbixin lagu caddaynayo qaabkii uu hubku u galay gacanta shacabka.

“Waxaa lafarayaa taliyaha qaybta Raas-casayr inuu xafiiska la soo wadaago xogta warbixinta markabka Sea World, hubka gacanta shacabka galay iyo cidda mas’uulka ka ah”, Ayuu yiri xeer ilaaliyaha gobolka Raas-casayr.