13 December, 2025
Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Puntland oo tix-raacaya amar ka soo baxay maamulka gobolka Raas-casayr ee…

Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Puntland oo tix-raacaya amar ka soo baxay maamulka gobolka Raas-casayr ee Puntland ayaa amar soo qabasho ah u jaray Axmed Maxamed Jaamac (Jidgooye).
Xeer ilaalinta oo warqad soo qabasho ah u jartay Jidgooye ayaa ku eedaysay inuu ku kacay falal isugu jira dhac, hubayn bulsho iyo khalkhal gelin amni iyo caadooyin dhibaato ku ah bulshada deegaanka.




