Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa ka dhacay kulan lagu dhaqan gelinayo go’aanka Bankiga dowladda Puntland…

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa ka dhacay kulan lagu dhaqan gelinayo go’aanka Bankiga dowladda Puntland ee ku aadan Socodsiinta isticmaalka qaybo ka mid lacagta Dollar-ka ah oo mudooyinkii udambeeyey aan kashaqaynayn deeganada Puntland gaar ahaan Lacagta $50.
Hay’adaha maaliyadeed ee Puntland oo ka duulaya waajibaadkiisa shaqo ee kor u qaadista nidaamka korjoogtaynta hay’adaha maaliyadda iyo ilaalinta xasiloonida dhaqaalaha Puntland, wuxuu go’aan rasmi ah ka soo saaray isticmaalka lacagta $50.
Qabashada lacagtaan oo laga joojiyey guud ahaanba suuqyada Puntland ILAA 2021, waxaa sabab u ahaa soo galitaanka lacago been abuur ah oo ay ka mid ahayd qayb ka mid ah $50-ka doolar, taas oo la sheegay inay ka soo gudubtey maamulada deriska la ah Puntland.
