Puntland oo ammaanka Garoowe ku wareejinaysa 300 oo ciidamo cusub ah.

Xukuumadda Puntland ayaa wadda qorshe ciidamo cusub oo boolis ah loogu wareejinayo sugidda ammaanka Magaalada Garoowe…

5 October, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa wadda qorshe ciidamo cusub oo boolis ah loogu wareejinayo sugidda ammaanka Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kadib go’aamo dhawaan ka soo baxay beelaha gobolka Nugaal.

Wasaaradda amniga, taliska booliska Puntland iyo odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal ayaa isku raacay in saddex boqol oo ciidamo ka soo baxay kulliyadda Carmo lagu wareejiyo ammaanka Garoowe laguna shaqeeyo gudashada waajibaadkooda.

Nabadoon Abshir Cali Halow oo kamid ah cuqaasha Gobolka Nugaal ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankaasi loo xilsaaray inay gacanta ku qabtaan ammaanka Garoowe isla markaana ay awood u leeyihiin inay dileen ciddii dagaal kala hortaamaadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Saddex boqol oo ciidan cusub ah ayaa amniga Garoowe lagu wareejinayaa, cabtooy waa la qabanayaa, hadduu dagaalamo waa la dilayaa, nabadoonkii & reerkii gacan ku dhiigle ama dambiile gadaal marsadana waa lamid oo tallaabo ayaa laga qaadayaa”, Nabadoon Abshir Cali Halow oo kamid ah Cuqaasha gobolka Nugaal.