Puntland oo ansixisay qorshaha horumarinta dhaqaalaha 2026–2030.

Wasaaradda Qorsheynta Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabatay kulan lagu ansixiyey qorshaha horumarinta dhaqaalaha Puntland…

22 September, 2025

Wasaaradda Qorsheynta Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabatay kulan lagu ansixiyey qorshaha horumarinta dhaqaalaha Puntland kaas oo qayb ka ah Qorshaha Horumarinta Dowladda Puntland 2026–2030 kulankan ayaana muhiimad gaar ah u lahaa hagidda mustaqbalka dhaqaale ee maamulka Puntland.

Inta lagu guda jiray kulanka waxaa lagu falanqeeyey arrimo la xiriira kobcinta dhaqaalaha horumarinta kaabayaasha muhiimka ah dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo dibadda iyo abuurista fursado shaqo oo waara qodobadan ayaana loo arkaa kuwo laf-dhabar u ah kor u qaadista nolosha bulshada.

Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in tiirka horumarinta dhaqaalaha uu yahay midka ugu muhiimsan qorshaha 2026–2030 maadaama uu hagayo sidii loo xoojin lahaa dhaqaalaha loo kobcin lahaa wax soo saarka gudaha isla markaana loo dhisi lahaa saldhig dhaqaale oo waara taas oo qayb ka noqon doonta dadaalka lagu yaraynayo shaqo la’aanta iyo saboolnimada.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan Puntland agaasimayaal guud maareeyayaal ka socday hay’ado madaxbannaan iyo waaxyaha qorsheynta sidoo kale waxaa goobta joogay la-taliyeyaal iyo khubaro ka tirsan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee khuseeya dhaqaalaha.

Ugu dambeyn kulanka ayaa lagu adkeeyey baahida loo qabo in hay’adaha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan hirgelinta qorshaha cusub si Puntland ay u yeelato dhaqaale waara oo mustaqbalka u horseeda horumar iyo xasillooni dhaqaale.