Puntland oo awaamiir duldhigtay ciyaartooyda ku sugan Boosaaso.

13 May, 2026

Xiriirka Kubadda Puntland ayaa digniin u diray maamulka, macalimiinta, ciyaartooyda iyo mas’uuliyiinta ka qaybgalaya tartanka caasimadaha…

Xiriirka Kubadda Puntland ayaa digniin u diray maamulka, macalimiinta, ciyaartooyda iyo mas’uuliyiinta ka qaybgalaya tartanka caasimadaha gobolada Puntland ee ka socda garoonka Shuhadada Magaalada Boosaaso.

Wareegto ka soo baxday xiriirka ayaa lagu amray dhammaan dhinacyada inay dhowraan mabaadi’da Puntland, cidii lagu arko hadal ama ficil lid ku ah dowladnimadana laga saarayo tartanka, islamarkaana la gorgayn doono sharciga.

Dhanka kalena, Xiriirka ayaa xusay in qabyaaladda iyo siyaasadda ay ka reeban tahay oo mamnuuc ka tahay mas’uul, ciyaartoy iyo cid kasta oo ka qaybgalaysa tartanka ciyaaraha caasimadaha gobollada Puntland.