Puntland oo awaamiir duldhigtay ganacsatada Magaalada Boosaaso.

24 June, 2025

Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Boosaaso Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle) oo xalay shir jaraa’id qabtay…

Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Boosaaso Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle) oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa ku amray shirkadaha ganacsiga inay bixiyaan dhaqaalaha lagu garab joogsanayo ciidanka difaaca Puntland.

“Dhammaan ganacsatada iyo shirkadaha ku dhaqan Boosaaso waa in ay garab istaagaan Taakuleynta ciidamada difaaca Puntland ee ku jira Hawlgalka ciribtirka Argagixisada Daacish ee Calmiskaad, gaar ahaanna ciidamada ku soo dhaawacma furimaha dagaalka ee la keeno isbitaallada magaalada Boosaaso”, Sidaasi waxaa yiri guddoomiye Shanle.

Guddoomiyaha ayaa xusay in shirkadihii Argagixisada Daacish siin jirey dhaqaalaha ee diidan Taakulaynta Hawlgalka Calmiskaad, aysan ka sii shaqaysan doonin Boosaaso iyo guud ahaan deegaamada Puntland.

“Waxaan kale oo u sheegaya in shirkadihi ganacsiga ee horay Argagixisadu baadda uga qaadi jirtay haddana diidan in ay bixiyaan dhaqaalaha Taakuleynta Ciidamada, in aysan ka sii shaqayn doonin Boosaaso. Wax la aqbali karo maaha in ay shalay argagixisada siin jireen baad aan ku waajibin maantana diidaan in ay wax ku darsadaan Raggga u dhiig-baxaya difaacooda” Ayuu markale yiri duqa degmada Boosaaso.