Puntland oo awaamiir duldhigtay hay’adaha ka hawlgala deegaamadeeda.

17 February, 2026

Xukuumadda Puntland ayaa awaamiir culus duldhigtay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ku sugan…

Xukuumadda Puntland ayaa awaamiir culus duldhigtay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ku sugan deegaamadeeda si looga jawaabo saamaynta abaarta baahsan ee kujirta dhulka miyiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Puntland Ubax Cabdirashiid Maxamed, oo Garoowe kula shirtay madaxda ururada arrimaha bulshada iyo hay’addo kala duwan ayaa ku amartay in gargaar loo fidiyo dadka tabaalaysan.

Wasiirka ayaa sheegtay in bilihii la soo dhaafay xaaladda deegaamada ay aad uga sii dartay aysanna hadda duunyadu heli biyo iyo baad ku filan dadkana goobaha qaar xaalad culus ku soo foodsaarat.