15 May, 2025
Xukuumadda Puntland ayaa awaamiir duldhigtay madaxda iyo dhammaan shaqaalaha kala duwan ee u shaqeeya Hay’adaha iyo ururada madaxa bannaan ee ka hawlgala deegaamada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta xukuumadda Puntland Da’uud Mohamed Bisinle oo Garoowe kula shiray madaxda Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay inaysan la dhuuman cashuuraha ku waajibey si loogu fuliyo adeegyada kala duwan ee dowladda.
Waxa uu sheegay in hay’aduhu ay Puntland nabad kaga shaqeeyaan geeska gees isla markaana ay nabaddaasi ku timid tacab dadweyne iyo ciidamo naftooda u huray oo lagu kabaay cashuurta la dhiibo.
HOOS KA DAAWO