Wasiiru Dowlaha amniga Puntland Gen. Fu’aad Xannaano, Taliyaha ciidanka booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire iyo…

Wasiiru Dowlaha amniga Puntland Gen. Fu’aad Xannaano, Taliyaha ciidanka booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire iyo guddiga nabadgelyada gobolka Sanaag ayaa war ka soo saaray xaaladda ammaan ee Magaalada Badhan oo uu shalay ka dhacay dagaal u dhexeeya laba malayshiya beeleed oo wada deggan gobolka.
Shir jaraa’id oo ay Mas’uuliyiintu ku qabteen xarunta gobolka Sanaag ee Magaalada Badhan ayey kaga dhawaaqeen awaamiir lagu xoojinayo ammaanka magaalada loogana hortegayo shaqaaqooyin ama dhacdooyin wax u dhimaya ammaanka magaalada Badhan iyo guud ahaan gobolka Sanaag, iyagoo digniin u diray dhinacyadii dagaalamay magaalinimadii shalay.
Wasiiru Dowlaha amniga Puntland Gen. Fu’aad Xannano, ayaa sheegay in laga bilaabo 8-da subaxnimo maalinnimada Axadda ayaa magaalada Badhan lagu arki karin shaqsi, malayshiyaad ama ciidan hubaysan oo aan ka ahayn kuwa dowladda ee loo igmaday ammaanka guud ee Magaalada, wuxuuna sheegay in ciidanku amar ku qabaan inay tallaabo ka qaadaan ciddii ka dhega-adaygta amarkaasi.
Wasiirka ayaa ugu baaqay dhammaan malayshiya beeleedkii ku dagaalamay Magaalada inay dib ugu laabtaan guryohooda kahor inta aan la gaarin xilliga kama dambaysta ah ee loo qabtay inay isaga baxaan magaalada iyo goobaha kale ee ay xilligaan ku sugan yihiin.
Waxa uu sheegay in dhacdooyinkii horay u dhexmaray labada beelood ee walaalaha ah nabadayntoodu socoto ayna kujiraan dowladda, isimada dhaqanka gobolka, kuwa Puntland iyo qaar kamid ah waxxgaradka kale ee deegaanka, haseyeeshee aan loo dulqaadan doonin dagaal dambe oo ka dhaca gudaha Magaalada Badhan.




