Puntland oo awaamiir duldhigtay reer guuraaga iyo Xijiyeysatada Cal-miskaad.

Guddiga Amniga ee gobolka Bari ayaa ku amray reer guuraaga iyo Xijeysataya ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad…

25 May, 2026

Guddiga Amniga ee gobolka Bari ayaa ku amray reer guuraaga iyo Xijeysataya ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari inay isaga baxaan goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxda Daacish.

Guddiga ayaa sheegay in cid kasta oo aan ka bixin buuraha Calmiskaad muddada loo qabtay loo aqoonsan doono inay xiriir ama wada-shaqeyn la leedahay ururka Daacish, ayna deegaamadaasi ka bilaaban doonaan howlgallo ballaaran oo cirka iyo dhulka ah o lagu bartilmaameedsanayo fariisimaha iyo dhaq-dhaqaaqyada kooxda Daacish ee ka jira deegaannada buuraha ah.

Amarkan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan duqeyn ka dhacday buuraha Cal-miskaad ay waxyeello kasoo gaartay qoys reer miyi ah oo halkaasi deganaa, talaabadaasi oo abuurtay cabsi ku aadan badqabka bulsahda kunool deegaamadaasi.

Khuburada ammaanka ayaa dhaqdhaqaaqyada cusub ee Daacish u sababeeyey soo laabashada dadka reer guuraaga ah ee deegaamadii sanad ka hor laga xoreeyey kooxda naabddiidka ah.