Puntland oo awaamiir ka soo saartay xakamaynta cudurka Ebola.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa soo saartay digniin caafimaad oo la xiriirta cudurka Ebola, kaddib markii…

6 October, 2026

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa soo saartay digniin caafimaad oo la xiriirta cudurka Ebola, kaddib markii dalka Kenya uu xaqiijiyey kiis cusub oo cudurka ah, iyadoo kiiskaan lala xiriiriyey qof safar kaga yimid Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, isagoo soo maray Uganda, kaas oo markii dambe ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ilaa hadda aan Puntland laga xaqiijin wax kiis ah oo Ebola ah, balse ay si dhow ula socoto xaaladda cudurka ee gobolka iyo dalalka deriska ah. Waxa ay sidoo kale xoojisay diyaar-garowga, ogaanshaha hore iyo jawaabta degdegga ah, iyadoo bulshada ugu baaqday inay si gaar ah uga feejignaadaan calaamadaha cudurka, isla markaana qofka qaba astaamo looga shakisan yahay Ebola, gaar ahaan haddii uu safar ku tagay meel cudurku ka jiro, uu si degdeg ah ula xiriiro xarunta caafimaad ee ugu dhow.

HOOS KA AKHRISO

  1. Wasaaradda Caafimaadku waxay dadweynaha Puntland ogeysiinaysaa in ilaa hadda aan Puntland laga xaqiijin xaalad cudurka Ebola ah.
  2. Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxay si dhow ula socotaa xaaladda cudurka Ebola (Ebola Virus Disease – EVD) ee ka jirta dalalka deriska ah iyo guud ahaan gobolka, gaar ahaan kiiska cusub ee laga xaqiijiyey Kenya, iyo khataraha suurtagalka ah ee faafitaanka cudurka.
  3. Wasaaraddu waxay xoojinaysaa tallaabooyinka u-diyaargarowga, ogaanshaha hore iyo jawaabta degdegga ah ee la xiriira ka hortagga cudurka Ebola.
  4. Wasaaradda Caafimaadku waxay bulshada ku boorinaysaa in qof kasta oo leh qandho, daal daran, madax-xanuun, murqo-xanuun, matag ama shuban, ama dhiig-bax aan caadi ahayn—gaar ahaan qof safar ku tagay dal uu cudurku ka jiro—uu si degdeg ah ula xiriiro xarunta caafimaad ee ugu dhow.
  5. Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxay si joogto ah ula shaqaynaysaa hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh maaraynta khataraha iyo bah-wadaagta caafimaadka, si loo xoojiyo awoodda Puntland ee ka hortagga, ogaanshaha iyo ka jawaabidda cudurrada faafa iyo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka, oo uu ka mid yahay Ebola.
  6. Wasaaraddu waxay bulshada la wadaagi doontaa tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xoojinayo ka hortagga iyo ka jawaabidda xaaladaha la xiriira cudurka Ebola.