Qoraal ka soo baxay wasaaradda xanaanada xoolaha dowladda Puntland ayaa joojisay in guud ahaanba dekedaha iyo…

Qoraal ka soo baxay wasaaradda xanaanada xoolaha dowladda Puntland ayaa joojisay in guud ahaanba dekedaha iyo marsoonka yaryar ee Puntland aan laga dhoofin karin xoolo aan la marsiin habraacyada caafimaad ee wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland dejisey.
AKHRISO.
1. Inaan Dekadaha, Garoomadda iyo marsooyinka yar-yar ee DPL laga dhoofin Karin Xoolo aan marin habraacyada baarista Caafimaadka Xoolaha ee ay Dajisay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Dalalka loo dhoofinayo Xoolaha.
2. Waxaa la joojiyey laga bilaabo Maanta oo Taariikhdu tahay 𝟎𝟗/𝟏𝟎/𝟐𝟎𝟐𝟓 dhoofinta Xoolaha Da’doodu tahay Sanad iyo wixii ka yar.
3. Maxjaradda Magaaladda Bosaso waxa la farayaa inaysan ogolaan in Xeryohooda la soo galiyo isla markaana lagu baaro Xoolaha Da’doodu tahay sanad iyo wixii ka yar.
Sidaas daraadeed waxaa laga Codsanayaa Hay’adaha ay warqadani sida toos ka ah iyo sida dadbanba ugu socoto inay u dhaqan galiyaan sida ay tahay, Isla markaana cidii isku dayda inay jabiso laga qaado tilaabo sharciga waafaqsan.




