Puntland oo baadi-goobaysay dadkii ka dambeeyey dilka ganacsade Sheekh Axmed Haamay.

Laamaha ammaanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan hawlgallo lagu soo qabanayo gacan-ku-dhiiglayaashii ka dambeeyey…

12 September, 2026

Laamaha ammaanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan hawlgallo lagu soo qabanayo gacan-ku-dhiiglayaashii ka dambeeyey dilkii, Marxuum Sheekh Axmed Yuusuf Haamey oo todobaadkii la soo dhaafay dabley xilli maqrib ah ku dileen gudaha Magaalada Galkacyo.

Qoraal ka soo baxay Taliska qaybta booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa lagu sheegay in ciidanku ku raad joogaan dambiilayaashaasi ayna horgeyn doonaan laamaha caddaaladda Puntland, iyagoo bulshada ugu baaqay inay isdejiyaan kana fogaadaan abuuridda fidno horleh.

Xubno katirsan golayaasha dowladda, maamulka gobolka Mudug iyo taliyaha qaybta booliska ayaa gaarey deegaamada Roox, Laandheere iyo Uunrays, halkaas oo ay bulshada kula hadleen, kuna wacyigeliyeen in laga fogaado wax kasta oo keeni kara shaqaaqo, aargoosi iyo colaad hor leh.

Dhanka kalena, xubnaha ka socdey dowladda ayaa bulshada ugu baaqay inay dowladda iyo hay’adaha amniga u daayaan baaritaanka iyo shaqada amni, isla markaana cid kasta oo xog ka haysa dhacdada ay si degdeg ah ula wadaagto hay’adaha amniga, si sharciga loo mariyo cid kasta oo falkaas ku lug leh.