Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanka…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanka Buq-dharkayn ee gobolka Sool iyo dooxada Dureera ee duleedka magaalada Ceerigaaabo.
Ugu horrayn madaxweyne Deni ayaa sheegay in dagaal beeleedka ka dhacay dooxada Dureera ay ku bexeen wafti dowladda ka socda iyo isimo dhaqan si xiisadda loo dejiyo loona diyaariyo qorshihii beelaha xurgufta kala gaadhey miiska wada hadalka laysugu keeni lahaa, wuxuuna ku baaqay in la qaato talooyinka nabadda loona hoggaansamo dhinacyada dhex dhexaadinta.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay dagaalada ka soo cusboonaaday jiidaha gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Buq-dharkayn oo ay Jumcadii hore diriri ku dhexmartay ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka SSC KHATUMO, wuxuuna dhinacyada ugu baaqay inay nabadda qaataan qola walbana dhulkeeda nabad ugu noolaato.
“Waxaan ku baaqayaa dirirta jiida hore ee gobolka Sool in la joojiyo, waxaan rajaynayey in dagaaladii intaas ku ekaadaan mar haddii dadka deegaanku ay dhulkoodii kala joogaan, wixii kale oo la huriyana waa dagaal aan garawshiyo lahayn, hala wada hadlo degelkaan ka guuri mayno, weli lama sheegin dagaal siyaasadeed oo xoog lagu xalliyey, waa maqlaysaan Ukrain iyo Ruushka hadda waxay ogolaadeen xabad joojin”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.