Puntland oo baaritaan ku wadda Markabka hubka sida ee Sea World.

20 July, 2025

Dowladda Puntland ayaa maanta baaritaan dheeraad ah ku samayn doonta shixnado hub ah oo uu sidey…

Dowladda Puntland ayaa maanta baaritaan dheeraad ah ku samayn doonta shixnado hub ah oo uu sidey Markabka Sea World oo ku sii jeedey dekedda Magaalada Muqdisho.

Markabkaan oo laba maalin kahor lagu qabtay xeebaha dekedda Bareeda ee gobolka Raas-casayr ayaa ka soo shiraacday magaalada dekedda leh ee Izmir dalka Turkiga, sida lagu ogaadey baaritaannada hordhaca ah.

Warar hoose ayaa sheegaya in la dejin doono hubka saaran Markabka haddii la waayo macluumaad rasmi ah oo sheegaya in dowladda Turkigu ay hubkaan ugu talagashay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kalena, wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa ka dalbaday beesha caalamka in Soomaaliya dib loogu celiyo Cuna-qabatayntii hubka ee saarnayd, kadib markii ay kordheen tirada ganacsatada hubka culus soo iibsanaysa.