Wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska xukuumadda Puntland ayaa balan qaad u samaysay agoomaha ay ka geeriyoodeen…

Wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska xukuumadda Puntland ayaa balan qaad u samaysay agoomaha ay ka geeriyoodeen askarta ciidamada difaaca dowladda Puntland ee dagaalka kula jira kooxaha nabaddiidka ah ee ku dhuumaalaysanaya buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Wasiirka wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland Maryan Axmed Cali oo ka hadashay kulan ka qabsoomay Garoowe ayaa ballan qaadday in wasaaraddeedu ay u istaagi doonto sidii ay carruurta aabayaashood u dhinteen difaaca dalku ay u heli lahaayeen daryeel joogto ah.
“Ciidankeennii geeriyoodey waxay ka tageen xaasas iyo carruur, waxaan caawa hortiina ka balanqaadayaa ka wasaarad haween ahaan dedaal xooggan ku bixin doonno wixii awooddeena ahna u qaban doonno aysanna agoonnimo dareemi doonin”, Maryan Axmed Wasiirka haweenka Puntland.
Dhanka kalena, wasiirka ayaa ugu baaqday dhammaan shacabka reer Puntland inay isku duubnaadaan isla markaana uu qof walba halkiisii ka sii hayo garab istaagga ciidamada, ka shaqaynta nabadgelyada iyo ilaalinta dhulkiisa.